Israel oo GOD ka hoos qodeeysa Masjidul Aqsa & ururka Islaamka oo war deg deg ah kasoo saaray

0

(Jidda) 04 Luulyo 2019 – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si xooggan u dhaleeceeyay Israel oo ay ku eedeeyeen inay god dusmo ah oo ay ugu magac dareen “Jidka Xajka” ay ka qodayaan hoosta Siwan, oo ah koonfurta masjidka Al-Aqsa ee Quddus.

Ururka Islaamka, oo ay ku jiraan 57 dal oo Muslim ah, ayaa tillaabada Israel ay ku doonayso inay ku beddesho taariikhda iyo qiyamka sharci ee Quddus ku tilmaamay mid si toos ah ugu xad gudbaya Xeerka Caalamiga ah.

Ururka OIC ayaa soo jeediyay in Quddus, oo ah caasimadda Falastiin ay qayb ka tahay dhulka Falastiin ee ay Yuhuuddu xoogga ku qabsatay xilligii dagaalkii 1967-kii, waxayna usoo jeediyeen inay dhowraan rugaha soo jireenka ah gaar ahaan meelaha ay ku cibaadaystaan Muslimiinta iyo Masiixiyiintu.

Waxay kaloo ururkani dhaleeceeyeen sare kaca shilalka la xiriira nacaybka iyo cabsi gelinta Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Sri Lanka, oo ah arrin aad usii korortay wixii ka dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Easter-ka ay kooxo argagixiso ihi ku qaadeen dalkaasi, iyagoo sheegay inay si dhow ula socdaan arrimaha halkaa ka dhacaya oo ay dowladda usoo jeediyeen inay si furan ula xaalaan.

Hadalsame Media