DHEGEYSO: Sweden oo looga baahan doono shaqaale cusub (Sabab?)

0

(Gotland) 05 Luulyo 2018 – Xisbiga Socialdemokraterna oo maanta lahaa tookada todobaadka siyaasadda Almedalen ayaa keenay hindise lagu sameeyay Guddiga Samafalka, kaasoo ay ku jiraan dowladda dhexe, gobollada iyo degmooyinka Sweden si loo kordhiyo adeegyada iyo barwaaqa sooranka Sweden.

Guddigan ayaa lagu wadaa inuu shaqo bilaabo dayrtan 2019 isagoo howsha wadaya ilaa jiilaalka Diseembar 2021.

Wasiiradda Maaliyadda Sweden Magdalena Andersson (S), ayaa hindisahan kusoo bandhigtay todobaadka siyaasadda Almedalen oo ka soconaya gasiiradda Gotland. Fredrik Furtenbach, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan wakaaladda wararka Ekot ayaa faahfaahinaya.

”Sababta ka dambaysaa waxay tahay inay jiraan iimo badan oo la xiriira adeegyada ay qabtaan gobollada iyo degmooyinku, gaar ahaan dhanka caafimaadka, waxbarashada iyo daryeelka. Xisbiga Social-ku waxay rumaysan yihiin inay dadku sii gaboobayaan, waxaa kaloo jira dad badan oo fasax jirro kaga maqan waaxahan caafimaadka, waxbarashada iyo daryeelka, ayuu yiri Fredrik Furtenbach.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa horay usoo bandhigtay qorshe ay degmooyinka dalka ku siinayso SEK 90 bilyan oo karoon oo dheeraad oo ku kordhaysa SEK 20 bilyan oo haatanba lagu daray, wixii loo gaaro 2026.

Wasaaradda ayaa horay u qiimaysay in 2026 loo baahan doono in la dhiso 560 guri oo ah kuwa waayeelka lagu daryeelo, 75 rug caafimaad ama Vårdcenteral, 720 dugsi oo ah kuwa xanaanada carruurta ama Dags-ka, 400 oo dugsi hoose dhexe iyo 280 dugsi sare.

Waxayna Andersson arrintaa u cuskatay in dadkii dhashay 1940-meeyadii ay haatan ku dhow yihiin 75-80 sanadood, sidaa darteed loo baahan yahay laba arrimood oo ay midi tahay in dadkaa la daryeelo midda kalena ay tahay in la diyaariyo dadkii qaban lahaa shaqooyinkooda marka ay howlgabaan.

Caqabadda ugu wayn ee hor taalla Wasaaradda Maaliyadda dowladda dhexe waa taageerada degmooyinka fog, halkaasoo 10-kii qofoodba uu mid ka tirsani 80-jirsanayo marka la gaaro 2030.

Hadalsame Media