DHEGEYSO: Degmo ka tirsan Sweden oo dadka laga mamnuucay inay salaad dukadaan xilliga shaqada (Dood ka taagan)

0

(Bromölla) 05 Luulyo 2019 – Guddiga Sinnaanta iyo ka hor tagga cunsuriyadda ayaa dabagal ku bilaabay go’aan kasoo fuley Golaha Degaanka ee dowladda hoose ee degmada Bromölla kuwaasoo dadka ka mamnuucay inay goobta shaqada lagu dukado saacadaha shaqada.

Waloow uu gole degaanku ku doodayo in ay arrintani khuseeyso qof kasta oo aan qolo gaar ah loola bareerin, misna Clas Lundstedt, oo ah ninka warfaafinta ugu qaybsan guddigan ayaa arrintan ku tilmaamay cunsuriyad maldahan oo ka dhan ah dad gaar ah.

”Waxaa jira wax la yiraahdo cunsuriyad dadban sida go’aan ama wajahaad u muuqda kuwo dhex dhexaad ah, balse u daran koox gaar ah, ayuu yiri Clas.

Go’aankan ayaa bishii Maajo kasoo baxay Golaha Degaanka Bromölla oo ah magaalo yar oo ay ku xooggan yihiin xisbiga soo galooti diidka ah ee SD, waxaana ku taageeray asxaab kale oo wada shaqayn kula leh magaaladaasi sida Moderaterna, Kristdemokraterna iyo mid maxalli ah oo la yiraahdo Alternativet. Qaar ka tirsan xildhibaannada mucaaradka ayaa se ka aamusay codaynta.

Eric Berntsson (SD) oo ah Madaxa Maamulka degmada Bromölla ayaa isagu go’aankan la dhacsan, isagoo yaraystay fal-celinta dhaliisha xambaarsan ee ka timid. ”Ma jirto xuquuq guud oo qofka xaq u siinaysa inuu shaqada ka boxo saacadaha shaqada. Waa sida sharciga mamnuucaya in goobaha qaar sigaar lagu cabo, ayuu yiri Eric Berntsson (SD.

Go’aankan xilliga shaqada salaadda ka mamnuucaya dadka degmadaasi oo ka tirsan gobolka Skåne ayaa cambaarayn kala kulmay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta halkaa ku wada nool, maadaama uu dastuurka Sweden fasaxayo xorriyadda diimaha. Marii Nurmi, oo ka shaqeeysa qaybta luuqadda ee iskuullada carruurta ee degmada Bromölla ayaa sheegtay in golaha degaanku uu go’aankan ku talax tegey.

”Sweden waxaan leenahay xorriyadda diinta mana aha inay inta siyaasiyiintu soo galaan ay iska mamnuucaan in xilliga shaqada salad la dukado. Runtii arrintani way I saamaynaysaa, ayay tiri.

Hadalsame Media