DAAWO: Nin Australian ah oo sanad kasta xusa maalinta xornimada Somalia calankana saara!!

0

(Heidelberg) 05 Luulyo 2019 – Nin Australian ah oo magaciisa la yiraahdo Marc ayaa sheegay inuu sanad kasta marka la gaaro maalinta qaranka ama xorriyadda uu saaro calanka dalka Somalia.

Ninkan oo ku nool magaalada Heidelberg ee gobolka Victoria ayaa sheegay inay arrintan ku dhaliyeen Soomaali soo galooti ah oo marar kala duwan lasoo deristey.

”Ujeedkaygu waa soo dhowayn aan Soomaalida ku leeyahay kusoo dhowaada halkan (Australia)” ayuu yiri Marc.

Wuxuu sheegay inay dad badan oo Soomaali iyo caddaan ihiba ay la yaabaan sababta aan u surayo calanka Somalia, balse wuxuu sheegay inay ka tahay saaxiibtinnimo iyo qiimayn, isagoo intaa raaciyay in calankani uu haatan ku xirey Soomaali oo aanu si kale wax xiriir ah ula yeesheen.

”Marka uu qofka Soomaaligu uu qooraansado calanka ee uu arko inuu yahay kii Somalia, markiiba xiriir baa na dhex maraya. Waa xiriiri abuure.” ayuu raaciyay.

Women adorned in Somali flags celebrate Somalia’s Independence Day at Konis stadium in Mogadishu on July 1.
Today’s celebrations mark 53 years since the Southern regions of Somalia gained independence from Italy and joined with the Northern region of Somaliland to create Somalia. AU UN IST PHOTO / TOBIN JONES.

Hadalsame Media