”DF Somalia ma wada xukunto dalkeeda!” – Ahuru Kenyatta

0

(Nairobi) 05 Luulyo 2019 – Kenya ayaa dareensan inay qalalaase bartanka uga jirto, maadaama ay deris la yihiin dalal ay muddo dheer dagaallo ka socdaan sida South Sudan oo kaga beegan dhanka woqooyi galbeed iyo Somalia oo dhanka bari ka xigta, taasoo Kenya kusoo farraqday qaxooti fara badan iyo qalaanqal amaan.

“Kenya waa dal ku nool xaafad aan fadhin, waxaana nasoo galay qaxooti malaayiin ah oo ka kala yimid dhinacyada kale duwan ee gobolkeenna, balse waxaan muhiimadda saarnay inaan wada amaan gelinno,” ayuu yiri Kenyan MW Uhuru Kenyatta oo la hadlay Fox News.

“Taasi waxay la timid caqabado, waayo xasillooni darrida Somalia oo aannu isku dayayno inaan kala shaqayno walaaleheenna Soomaaliyeed, DF Somalia. Balse dhibaatadu waa inaysan DF Somalia ka wada talinin gobollada oo idil, markaa waxaa dhacaysa inay argagixisadu is urursadaan kaddibna annaga na bartilmaameedsadaan.” ayuu yiri.

Ahuru ayaa warkiisa ula jeeday kooxda Al Shabaab oo weerarro badan ka gaysatey gudaha Kenya. Bishii Jannaayo 21 qof ayaa ku dhimatay 28 kalena waa ku dhaawacmeen weerar 19-saacadood socdey oo lagu qaaday DusitD2 Hotel.

Diseembar 2015, qorileey ayaa toogtey 28 macallin oo badankoodu Masiixi ahaa oo bas la socdey agagaarka Mandheera. Isla Mandheera waxay kooxdaasi ku laysay 36 qof oo meel wax laga qodo ka shaqaynayay.

Abriil 2015, kooxda Al Shabaab ayaa Jaamacadda Garissa University ku laayay 148 arday oo aan waxba galabsan.

Sebtembar 2013, in ka badan 70 qofood ayaa naftooda ku waayay weerar ay Shabaabku ku qaadeen carwada wayn ee Nairobi ku taalla ee Westgate Mall.

Hadalsame Media