DHEGEYSO: Culimada Soomaalida Sweden oo ka jawaabtey in dadka loo diido inay ku dukadaan goobta shaqada + warar kale

0

(Stockholm) 05 Luulyo 2019 – Guddiga Sinnaanta iyo ka hor tagga cunsuriyadda ayaa dabagal ku bilaabay go’aan kasoo fuley Golaha Degaanka ee dowladda hoose ee degmada Bromölla kuwaasoo dadka ka mamnuucay inay goobta shaqada lagu dukado saacadaha shaqada.

Cabdicasiis Macalin Cabdullahi oo ka mid ah imaamyada mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee xaafada Rinkeby ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid gabi ahaanba ka soo horjeeda xorriyadda diinta isagoo soo jeediyay in si sharci ah looga hor tago tillaabadan.


Haweenay Swedish ayaa lagu qabtay gegada caalamiga ah ee Gatwick Airport ee magaalada London iyadoo ku eedaysan dembi la xiriira argagixiso ama iskaashi ay la samaysay, sida ay sheegeen booliiska Scotland Yard ee Britain.

Haweenaydan oo 40-jir ah ayaa la sheegay in shalay la qabtay iyadoo kasoo duushay dhanka Talyaaniga. Wasaarad Dibadeedka Sweden ayaa Ekot u sheegtay in aanay weli wax xog ah ka haynin arrintan.


Kosovare Asllani ayaa maanta kusoo noqotay tababarka xulka hablaha Sweden oo isu diyaarinaya ciyaarta kaalinta 3-aad ee loogu tartamayo billadda maarta taasoo ay berri ku wajahayaan dhiggooda Ingiriiska.

Kosovare Asllani ayaa ku dhaawacantay ciyaartii seminfinaalka ee dhexmartay Sweden iyo Holland. Dhaqtarka xulka Houman Ebrahimi, ayaan se weli ku hanweyn iney Asllani ka qeyb qaadato ciyaarta barito. ”Waxaa jirta fursad haa, balse waa adag tahay in haatan la go’aamiyo,” ayuu yiri.

Hadalsame Media