Wefdi ka socda Midowga Afrika & IGAD oo gaarey magaalada Dhuusamareeb (Kulan dhacay)

0

(Dhuusamareeb) 04 Luulyo 2019 – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo wakiilka urur-gobolleedka Bariga Afrika ee IGAD ayaa goor dhowayd gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Waxaa halkaa kusoo dhoweeyay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasoo wefdiga Midowga Afrika iyo IGAD uga hor tegey gegada magaalada Dhuusamareeb.

Xubnahan ayaa la sheegayaa inay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayrre oo muddo ku dhow labo toddobaad ku sugan gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud oo uu ka wado howlo dib u heshiisiin ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wada dedaallo xal loogu raadinayo xaaladda Galmudug isagoo ilaa haatan tegey dhowr magaalo oo ku yaalla deegaannada maamulkaasi, waxaana ilaa haatan muuqda woxoogaa xal ah maaddaama la isku raacay inay dhacdo doorasho la wada ogolyahay.

Wixii kasoo baxay kullankan ayaan weli tafaasiil badan laga bixinin, balse waxaa la sheegay in arrimaha looga hadlay ay ugu horreeyaan xaaladda Galmudug iyo doorashada deegaannada la qorsheynayo inay ka dhacdo iyo taageerada maaliyadeed, niyadeed iyo midda siyaasadeed ee loo baahan yahay.

Hadalsame Media