DAAWO: Codka Micheal Jackson oo la sheegay in kiimiko lagu ”DHUFAANAY”!!

0

(Los Angeles) 04 Luulyo 2019 – Dhakhtarkii Michael Jackson ayaa sheegay in aabbaha fannaankani uu wiilkiisa “kiimiko ku dhufaanay” markii uu yaraa si uu uga hor istaago inuu codkiisu ballaarto una lahaado cod dhuuban oo sare.

Dr Conrad Murray, oo ahaa dhakhtarka gaarka ah ee Jackson oo laba sano loo xirey dhib kama’ ah oo uu u gaystey fannaankaasi, ayaa arrintan ku sheegay muuqaal uu haatan soo duubay isagoo inkaar ka daba tuuray Joe Jackson – Micheal aabihii – oo bishii hore xijaabtey.

“Xaqiiqada ah in isaga [Michael] kiimiko lagu dhufaanay si uu uusan u korin cod ahaan oo u lahaado codkiisa dhuuban waa wax aan laga sheekayn karin,” ayuu yiri Murray oo muuqaalka soo dhigay The Blast.

Dr Murray ayaa ku doodaya in Jackson la siiyay dhecaan (hormone) cirbad lagu siiyay markii uu 12 jir uun ahaa, si looga daweeyo fin-doobka isla markaana codkiisa looga hor istaago inuu waynaado oo qoto dheeraado, dooddaasoo ah mid uu hadda kahor uga hadlay buug uu qoray 2016. Wuxuu sheegay in Joe Jackson uu ahaa “mid ka mid ahaa aabbayaasha taariikhda ugu xumaa” isagoo raacshey:  “Waxaan u rajaynayaa in Joe Jackson naarta looga jaro.

Warkan oo kale waxaa 2011 horay u sheegay dhakhtar ku takhasusay qalliinnada xiddidada oo Faransiis ah oo la yiraahdo Dr Alain Branchereau kaasoo sheegay in Jackson lagu dhufaanay dhecaanno LAB-DIID ah (anti-male) oo la yiraahdo Cyproterone, taasoo qofka u diidda inuu booca dhuuntu (larynx) koro oo doobbo dillaacsado, si uu usiii lahaado codkiisa jilacsan, iyadoo codba midka uu ka yar yahay uga qurxoon yahay heesaha, sida uu aaminsanaa.

Michael Jackson ayaa isagoo 50-jir ah kuuro-dhaaf u dhintay 2009 kaddib markii uu adeegsadey dawooyinka propofol iyo dejiyeyaal, isagoo kusoo caan baxay kooxdii walaalihii ee ‘The Jackson 5,’ oo uu maamuli jirey aabihii Joe Jackson, wuxuun caan ku ahaa cod khafiif ah.


Hadalsame Media