Ma lagu badbaadi karaa in lagu dhuunto halka ay taayarrada diyaaraduhu ku xaroodaan?

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2019 – Laga soo bilaabo 7 August 1946 ilaa 30kii June 2019 waxaa dhacay isku dayo tahriib lagu soo dhuuntay meesha taayirada diyaaddu galaan marka ay hawada gasho, kuwaas oo dhammaa 95 isku day, waxaa badbaaday 20 qof 75 isku dayna waxa ku dhamaadeen dhimasho.

Hadaba, haddii aynu is dul taagno su’aal ah “Ma lagu badbaadi karaa in qof ku dhuunto landing gear well?”.

Jawaabtu waa Haa/Maya labadaba. Haddii si scientific ah uga hadalno, diyaaradaha loo yaqaan commercial aircraft ama Military Jets kuba waxay xaraystaan lugaha diyaaradda (Landing gear) sababtoo ah diyaaradahu maadaama ay ku duulaan 4 arrimood oo u suurto geliya inay dhulka ka kacdo, ka dibna ay hawada fanato ilaa ay ka gaadheyso dariiqa ay ku socdaasho ee loo yaqaan cruise level. 4ta arrimood waxaa weeye in isu dheelli tirto Thrust, Lift, Drag iyo weight.

4 taas haddii aanay isu dheelli tirnayn waxaa iman kara in ay suurta geli weydo inay hawada ku sii jiri karto. Hadaba si ay yarayso waxa loo yaqaa Drag oo ah xoogga dib u riixaya diyaaradda oo uu sabab u yahay xoogaga physics ahaan loo yaqaan (Static force) ayaa waxaa diyaaradda qaabkeeda loogu sameeyey si ay hawadu uga siibato (Steamline shape). Markaa habkani wuxuu caawinayaa diyaaraddu in hawada korku inay ka fududaato hawada diyaaradda hoosteeda maraysa ee loo yaqaan (earodynamics).

Sidaan kor ku soo sheegay in la yareeyo xoogga ka hor imanaya diyaaradda (Drag) waxaa ka mid ah in diyaaraddu xaraysato taayiradda oo keena waxa loo yaqaan Parasite Drag kaasoo kelifa in hawadu ama xoogga ka hor imanayaa uu toos ugu dhaco taayida (Landing gear) kordhinayana xooggii ay iska caabiyeysay.

Marka ay diyaaraddu xaraysato lugaha waxay galaan neel loogu talo galay sida box-ka ah oo loo yaqaan (Landing gear wheel well), ka dibna 2 albaab ayaa ku xidhma oo daboola kuwaas oo la simma qolofka diyaaradda (Fuselage).

Hadaba, meeshaas ay taayiradu ku xaroodaan ayaa waxay noqotay meelaha ay dadka tahrribayaan ay bartilmaameedsadaan iyagoo is leh waad ku badbaadi kartaan.

Bal aynu markan eegno waxa dhaca markay diyaaraddu dhulka ka kacdo. Marka ay diyaaraddu kacayso waxay ku kacdaa awood loo yaqaan V1, Vr iyo V2. Xawaaraha ay dhulka ka kaga kacayso ayaa waxay kulal ka dhigaan taayiradda diyaaradda. Markay hawada gasho waxay xareysataa taayiradii oo kulul, markaa qofkii ku dhuumanayey haddii uu ka nabad galo awoodda ay ku xaroonayaan (Retraction power), wuxuu helayaa diirimaad qabowgii ka yara yareeya marka hore, laakiin maadaama taayidada diyaaradda lagu buuxiyo gas loo yaqaan Nitrogen (N2) waxay ku keeni kartaa qofka inuu miyir beelo.

Sidaynu wada ognahay isbeddelka hawadu wuxuu hoos u dhacaa 2° kunkii feet-ba. Markay hadaba gaadho 35000 ft derajada hawadu waxay gaasheysaa -50 iyo ka badan, midda kale hawadu mar marka ka danbeysa way sii khafiifaysaa waxaanay gaadheysaa heer hawadii Oxygen (O2) laga baxo (Waa sababta diyaaraduhu ugu furaan Oxygen gudaha diyaaradda) si dadku ugu neefsan karaan (Cabin Pressured).

Marka aynu u soo noqonno qofkii isku qarinayey meesha taayiradda wax Oxygen ah ma laha meesha uu ku jiraa, waxaa taas u sii dheer wuxuu ku jiraa qabow kor u dhaafaya -50.
Maadaama aanu heli karin oxygen temperature kuna uu yahay mid aan lagu noolaan karin waxaa qofkii ku dhacaya in temperature kiisu dhaco qabow iyo hawo la’aan daraadeed, Dabadeedna uu ku dhaco Hypothermia taasoo unconscious ka dhigaysa haddii aanay diyaaraddu ahayn mid dhakhso u fadhiisanaysa.

Waxaan bilowga maqaalka ku sheegay inay jiraan das badbaaday. Hadaba maxay dadkaasi ku badbaadeen. Waxaa jira marka diyaaraddu ku duulayso joog hoose (Lower altitude) ee aan ka hoosayn 8000ft waxaa jira Oxygen midda kale xaaladda temperature kuna wuu ka sareeyaa marka 35000ft marayso. Waxaa kale oo dhici karta in safarka wakhtigiisu yaraa iyaguna ay xidhnaayeen dhar u diyaar ah xaaladda hawada ee hoosaysa. Inkastoo la sheegay dhowr qof oo iyagu safar dheer iyo altitude sare ku badbaaday laakiin qaarkood lagama rumaysan oo waxaa loo arkay inay cargo compartment ka ku sii jireen ka dibna gudaha diyaaradda ee xamuulka la saaro oo laga soo geli karo meesha taayiradu ku jiraan markay diyaaraddu fadhiisatay soo galay. Iyaduna mucjisadu kama madhna.

Ugu danbeyn haddiiba uu qofku ka badbaado amase uu qabow daraaddii awood darreeyaba waxaa iyana carqalad kale ku noqonaysaa marka diyaaradduu degayso oo hal mar albaabka taayiradda u furta, taasoo keeni karta in xitaa haddii ayey nololiba jirtay aanay awood isku celiyo aanay jirin, sidaa daraadeedna uu qofku ka soo dhaco albaabkii furmay.

Ilaahay innagama dhigo kuwii dhibkaa u soo badheedhi lahaa ee naftoodu silic ku bixi lahayd. Kuwa ku fekerayana waxaan uga digayaa inay ay tahay naf silic ku dhiman doonta.

Waxaa Diyaariyay: Axmed Muuse

Hadalsame Media