RASMI: Ciidamadii & gaadiidkii Ahlu Sunna oo lagu wareejiyay DF Somalia + Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 02 Luulyo 2019 – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Raisul-wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Ganaraal Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) ku wareejiyey Ciidamada Al-Sunna iyo Gaadiidkkooda.

Munaasabadda wareejinta Ciidanka waxaa ka hadlay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Sheegay in ciidamadaan la qarameeynayo iyadoo loo furayo tababarro cusub oo dheeraad, xuquuqohoodana ay ka heli doonaan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo midda Amaanka DF Somalia.

Ciidamadan ayaa ku kala biiraya Ciidamada Xoogga iyo kuwa Booliiska DF Somalia, iyadoo gobolku yeelanayo Booliis goboleed maxalli ah (local Police), sida uu qabo nidaamka federaalku.

Arrintan ayaa qayb ka ah heshiis uu RW Somalia Xasan C Khayrre la galay Madaxa Xukuumadda Galmudug Md Shaakir. DF Somalia ayaa doonaysa inay awooddeeda iyo maamulkeeda gaarsiiso gobollada, si ay dadku u helaan amaan, midnimo maamul iyo adeegyo bulsho.

Hadalsame Media