DHEGEYSO: Xisbi ka hor yimid hindisihii ahaa in aan turjubaan loo qaban ajnabiga ku nool Sweden (Eed uu jeediyay)

0

(Gotland) 02 Luulyo 2019 – Waxaa weli soconaya todobaadka siyaasadda Almedal, iyadoo uu maanta tookada leeyahay guddoonka xisbiga bidixda ah ee Vänsterpartiet, Jonas Sjöstedt (V), kaasoo waraysi uu siiyay Idaacadda Sweden kaga hadlay mawaadiic fara badan min dhowrista xuquuqda shaqaalaha, qiimaha kirooyinka guryaha ilaa doodaha is-dhexgalka.

Jonas Sjöstedt ayaa lagu kediyay su’aal ku aaddan hanjabaad ka timid xisbigiisa oo ka mid ah axsaabta taageerta dowladda aan aqlabiga ahayn ee iminka ka dhisan Sweden, taasoo ku saabsanayd in ay ridayaan xukuumadda haddii ay taabtaan laba arrimood oo asaasi u ah siyaasadda xisbigooda, taasoo khuseeysa Xeerka xuquuqda shaqaalaha (LAS) iyo hantida ma guurtada ah, gaar ahaan kirooyinka guryaha.

”Markii ay dowladdu talada la wareegtey, si cad baannu wax ugu sheegnay. Waxaannu bidhaaminay laba qodob oo saabsan xeerka Dhowrista Xuquuqda Shaqaalaha iyo Xeerka Suuqa Kirada, ayuu yiri Jonas Sjöstedt.

Dhanka kale waxaa wax laga waydiiyay su’aal ku saabsan soo jeedinta xisbiga Moderaterna oo uu guddoonkooda Ulf Krestersson shalaytoole keenay hindise ku saabsan in la joojiyo turjubaanka loo qabanayo dadka ajnabiga ah ee aan luuqadda aqoonin, gaar ahaan kuwa haysta deganaansha rigliga ah, si ay afka u bartaan umaddana u dhex galaan.

Yeelkeede, Jonas Sjöstedt ayaa qaba in arrinta dhan kale laga eego, isagoo farta kuu godey in ay dhif tahay qof inta dal kale yimaada aan misna sabab la’aan doonaynin inuu afka maxalliga ah barto, balse ay jiraan dhibaatooyin kale oo aan la doonaynin in xal loo helo, balse taa biddaalkeeda ay xagal khaldan ka sawirayso saxaafadda iyo siyaasadda Sweden.

”Waxaa loo qaatay in dadka imanaya dalku aanay doonaynin inay luuqadda bartaan, waxay taasi tilmaamaysaa Sweden-ta 2019, balse sidaa maaha, waa mid aan gebi ahaanba caadi ahayn inuu qof dal kale yimaado ee uu misna diido inuu afka barto, dhibku meel kale ayuu ka jiraa. Waana sida loo qaabeeynayo doodaha siyaasadeed iyo kuwa saxaafadeed ee ka hadlaya dhibaatada jirta, ha yeeshee aan wajahaynin dhibkii saxda ah ee jiray laftiisa, ayuu ku dooday Sjöstedt.

Hadalsame Media