JOOJI RASAASTA! Maxay tahay baahida keenaysa in RASAAS nool lagu dabaal dego?

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2019 – Wax caadi ah ayay noqotay in rasaas badan hawada lagu hurgufo maalmaha iyo habeennada xuska xorriyadda loo dabbaaldegayo. Xalay oo ugu dambaysay rasaas farabadan ayaa la riday sida ay sheegeen dad Muqdisho joogaa.

Ayada oo markii horeba aysan jirin sabab iyo ujeeddo ka dambaysay in rasaas badan la rido habeenka dabbaaldegga ayaa hadda waxaa soo kordhaya waxyeellada ay rasaastaas la ridayaa geysato.

Sida aan dad kala duwan ka soo xigtay ilaa shan qof oo gabar shan habeen dhallani ku jirto ayaa dhaawacyo culus ka soo gaareen rasaastii xalay la diray. Dad ku dhintayna waa la sheegay inkasta oo aan weli la xaqiijin. Waxyeellada rasaastu intaas ku ma eka ee waxaa sii dheer argagax iyo cabsi ay dad badan oo shacab ah ku riddo.

Rasaastu waxa kale oo ay magaalada ku reebaysaa halis caafimaad oo ka imaanaysa sunta kiimishada ah ee xabbadaha ku jira taas oo dhaawacaysa fayoqabka dadka iyo tan deegeenkaba. Muqdisho iyo dadka ku noolba u ma baahna xabbado laga dul rido, 30 sannadood ayaa xabbadi ka duldhacaysay.

Dadku waxa ay u baahan yihiin in dhegohoodu ka nastaan maqalka rasaasta, sankooduna ka nasto urta baaruudda oo degganaan ku dabbaaldegaan. Sidoo kale waxaan ognahay in ciidamadeennu ay la daalaadhacayaan rasaas yari iyo qalab yari.

Sidaas darteed ma habboona in rasaas farabadan khasaariyo oo macnodarro hawada loogu rido. Sababahaas dartood waxaa dawladda la gudboon in ay gebi ahaanba mamnuucdo rididda rasaasta maalmalaha dabbaaldegga iyo mararka kaleba.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media