Waa maxay YOGA?! Fadlan ka faa’iidayso macluumaadkan

0

(Hadalsame) 30 Juun 2019 – Kalmadda YOGA asal ahaan waa luuqada kitaabka Hinduuga ee Sanskrit waxaana micnaheedu yahay “midnimo”.

Waa hannaan jimicsi ah oo guun ah kaas oo Hindiya ka dhashay waxaana uu ku saleysan yahay jimicsi maskaxeed iyo mid jir islamarkaana salka ku haya hannaan caabudid ah ama cibaado.

Aqoonyahannada Islaamka ayaa buugaag badan ka qoray arrintaan waxaana badankooda tilmaameen in aanay ku wanaagsaneyn Muslimka maadaama aanay jimic kali ah aheyne ay sidoo kale la socoto acmaal nafsaani ama ruuxi ah oo caabudid looga dan leeyahay.

Muhammad ‘Abd al-Fattaah Faheem ayaa buuggiisa al-Yoga wa’l-Tanaffus oo ah Yoga iyo neefsiga wuxuu ku sheegay in micnaha Yoga ee midoowga ah looga danleeyahay mideynta jirka, maskaxda iyo “Rabbi.”

Culimadu waxa ay sheegeen in dadka Islaamka ah ay Rabbi ku caabudaan salaadda, balse Yoga ay tahay hannaan caabudid oo Hinduugu gaar u isticmaalaan.

Jimicsiga caadiga ah ee aan arrimo diimeed salka ku heyn ayeey culimadu isku raaceen in uu banaan yahay.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media