CIBRO: Cimrigaaguba waa 40-daqiiqo ee ku cibra qaado oo cidna ha maagin!

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2019 Qof hadda xabsi 30 sano ahaa laga soo daayey wixii dhaafay oo dhan waxaad ugu soo koobaysaa hal saac ka yar. Wixii la isku haystay oo dhan micne ma lahayn. Sidaas ayaa nolosheena looga sheekayn doonaa. Waaba haddii nalaka sheekeeyo e.

Cimrigeena oo dhan waxaa lagu soo koobi doonaa daqiiqado. 1650 ilaa 1750 boqolaal milyan oo dad ah ayaa noolaa, dawlado badan ayaana dhismay oo haddana dumay, hantidii iyo dhulkii la isku haystey waagaas, hadda dad kalaa isku haysta.

Haddaba qofna eed ha ka gelin. Dhiig ha ka shaqayn. Hanti aadan lahaynna ha doonan. Dembi iyo eed keliya ayaa kaa raacaya. Waxaad heli lahayd waa qoran yihiin oo waxba kuma kordhin kartid. Adigoon dhammaysanna adduunka ka tegi meysid.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media