Xaaf oo Cadaado kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka magaalada + Sawirro

0

(Cadaado) 29 Juun 2019 – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Kulamo Gaar Gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Degmada Cadaado.

Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa ka wada hadlay sidii loola shaqeyn lahaa Maamulka ayna qayb uga qaadan lahaayeen dhaqan gelinta iyo ka shaqaysiinta Galmudug sal ballaaran.

Warar kulankaasi ku dhow oo aannu helnay ayaa sheegaya in Xaaf uu odayada lasoo qaaday in shacabka reer Cadaado iyo odayaasha dhaqanka looga baahan yahay in wixii hore oo idil la tuuro lagana noqdo xalay dhalay tabasho walba oo la xallin karana la xallin doono.

Xaaf ayaa odayaasha u sheegay in loo baahanyahay in lala shaqeeyo hay’addaha amaanka si loo sugo amaanka dadka iyo hantida degaannada maamulkaasi.

Odayaasha Reer Cadaado oo horay usoo gudbiyay dhowr shuruudood, balse dad badan oo gobolkaasi u dhuun daloola ama ka tirsan samadoonka ayaa soo jeediyay inaan wax shuruudo ah oo hordhac ah la hor dhigin doorashada la qabanayo si loo dhaliyo maamul u adeega shacabka gobolkaasi oo ka mid ah meelaha adeeg ahaan ugu liita dalka, dagaallada sokeeye oo la haray dartood.

Hadalsame Media