Nin Sucuudiyaan ah oo Itoobiya uu ku af-duubtay nin uusan ka filaynin oo ka qiseeyay wixii qabsaday!

0
عبدالله باهيثم

(Jiddah) 29 Juun 2019 – Abdullah Bahaitham, oo ah muwaadin Sucuudi ah ayaa 4 maalmood afduub loogu haystey dalka Itoobiya, isagoo haatan markii lasoo daayay ka sheekeeyay calwasaadkii uu soo maray.

Bahaitham, oo reer Jiddah ah wuxuu sheegay in uu afduubtay isla darawalkiisii oo ahaa saaxiib ay muddo dheer is yaqaanneen kaasoo weliba garoonka Addis Ababa kusoo dhoweeyay.

Wuxuu sheegay in darawalkan oo uu magaciisa ku koobay Amiin oo ku casuumey tuulo la yiraahdo Khamisi oo ilaa 6 saacadood u jirta magaalada Addis Ababa, taasoo uu aqbalay maadaama ay ninka muddo dheer is yaqaanneen.

Bahaitham ayaa sheegay inuu Amiin hadda kahor ka caawiyay dawo loo qoray gabadhiisa, isla markaana uu waalidkii ka bixiyey kharashka Cumrada.

Wuxuu sheegay in markii uu tuulada yimid ay qoyskii ninku ku dul allifeen dagaal been ah, kaddibna uu Amiin ka codsaday in uu ka bixiyo lacag dhan SR450,000 oo Riyaal Sucuudi ah, si uu ”naftiisa u badbaadiyo.”

“Darawalkaygu wuu ogaa inaanan lacagtaa haysanin, markaas ayuu siduu u gorgortamayey wuxuu yimid SR100,000,” ayuu yiri Bahaitham.

Wuxuu sheegay inuu markii hore darawalku baryootamayey, balse uu markii dambe is caddeeyay oo uu xoog adeegsadey, markaasoo uu ka codsaday inuu waqti siiyo si uu lacagta uga dalbado qoyskiisa oo Sucuudiga jooga.

Bahaitham ayaa deeto qoyskiisa u qayshaday isagoo ka codsaday inay lacagta madax furashada ahna bixiyaan isla markaana booliiska Sucuudiga arrinta gaarsiiyaan. Deeto Booliiska ayaa la xiriirey Danjiraha Sucuudiga, oo isna war geliyay DF Itoobiya oo qaadday tillaabo deg deg oo lagusoo furtay ninkan Sucuudiga ah.

SIDEE LAGU XALLIYEY IS MARI WAAGA?

Bahaitham ayaa sheegay in Danjiraha Sucuudiga, Sami Jameel uu telefoon kula hadlay afduubtaha si uu Safaaradda u keeno, balse uu diidey, kaddibna uu codsaday inay siiyaan 4 maalmood oo dheeraad ah si uu usoo diyaariyo lacagta madax furashada, waana aqbaleen.

Wuxuu sheegay in lagu xirey qol cidlo ah oo uu deeto daal hayay dartii uu halkaa ku gataati dhacay, isagoo 24-saacadood kaddib ka toosay jeer ay dul taagan yihiin Booliiska Itoobiya.

Bahaitham ayaa intaa raaciyay in af-duubtihii oo ay talo ku caddaatay uu ka baryay inuu inkiro inuu i af-duubtay si uu xabsi uga badbaado balse uu ka diidey.

“Ninkii waa la xirey anigana waxaa si wanaagsan ii daryeeshay Safaaradda, ilaa aan kusoo laabanayey Jiddah,” ayuu yiri Bahaitham oo sheegay in ay arrintani noloshiisa wax ka bedeli doonto.

Hadalsame Media