SIR LA DAADIYAY: Min wershad nukliyeer, satellite ciidan ilaa gujisyo & gantaalo casri ah, ogoow sababta loo af-gembiyay Maxamed Mursi

0

(Qaahira) 29 Juun 2019 – Caalim ku xeel Nukliyeerka (nuclear physicist) oo Pakistani ah Dr. Abdul Qadeer Khan ayaa daboolka ka qaaday SIRTA QARSOON ee keentay in Maxamed Mursi afgembi lagu tuuro 2013 kaasoo 17-kii bishan Juun ku dhex dhintay maxkamad uu saarnaa.

Khan – oo lagu tilmaamo “aabbaha bamka atoomikada Pakistan” – ayaa marag uu ku qoray boggiisa Facebook ku yiri sidatan:

“MW Mursi wuxuu u safray Ruushka, Hindiya iyo Pakistan, balse dad badani ma oga inuu Ruushka kula soo heshiiyay inay dib uga shaqaysiiyaan wershad nukliyeer oo Masar ku taalla iyo in mid kale la dhiso 3 sano kaddib, iyadoo loo adeegsan lahaa in koronto laga dhaliyo.

Khan ayaa warkiisa sii watay: “Masaaridu ma og yihiin in booqashadani ay aad u cabsi gelisey reer Galbeedka? Masar waxay xal buuxa u heli lahayd baahideeda koronto, kaddibna waxay koronto u iib gayn lahayd qaaradda Afrika.”

“Masaaridu waa inay ogaadaan in mudo xileedkii gaabnaa ee Mursi ay Jarmanka ka heleen laba gujis iyadoo ay Israel ay Jarmanka ku cadaadisey in aanu gujisyadaa siinnin Masar. Waayo waa gujisyo duqayn kara maraakiibta dayuuradaha xambaara, haddii lagu rakibo gantaalaha ku habboon,” ayuu yiri Khan oo sheegay in RW Israel ee Benjamin Netanyahu uu Maarso qiray inuu markii dambe arrintaa ogolaaday.

Khan ayaa sidoo kale kashifay in Masaaridu aysan ogayn arrin kale oo muhim ah istaraatiji ahaan, taasoo ah in ay Masar hesho satellite ciidan oo ah nooca wax basaasa, kaasoo uu Mursi kala hadlay dalka Hindiya, wuxuuna sheegay in haddii aanu afgembigaasi dhici lahayn ay Masar xilligan lahaan lahayd satellite-kaasi.

Wuxuu intaa ku daray Khan, in MW Mursi uu dhiggiisa Ruushka ee Vladimir Putin kula heshiiyay in Masar loo daabulo gantaalaha waawayn ee dhul ka cir, cir ka dhul iyo bad ka cir. Wuxuu xitaa Ruushanka u diray Sarreeye Guud Al-Tarraz si arrintaa ula meel dhigo.

Yeelkeede, Khan ayaa sheegay in kaddib markii ay Israel ka war heshay ay arrintaa hor istaagtey iyadoo adeegsanaysa Maraykanka oo Masar, oo gargaar ciidan oo ballaaran ka hesha Maraykanka, cadaadis culus saaray.

Hadalsame Media