Ethiopian Airlines oo duullimaad cusub oo ay Garoowe ka bilaabayso ku dhex QARISAY hadal siyaasadaysan oo KHALAD ah! (Akhri)

0

(Addis Ababa) 29 Juun 2019 – Sharikadda Dayuuradaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines Group ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso duullimaad ay ku tegeeyso Garoowe, Somalia, iyadoo mareeysa via Bossaso, Somalia wuxuuna bilaabmayaa 15-ka Luulyo 2019 oo ah bisha soo socota.

Halkan ka eeg jadwalka duullimaadkan oo lagu qoray saacadaha, wuxuuna imanayaa Isniin iyo Arbaco kasta:

ET 0368 Mon, Wed,
Sat. ADD 11:30 BSA 13:35 ET DH8

ET 0368 Mon, Wed,
Sat. BSA 14:35 GGR 15:20 ET DH8

ET 0368 Mon, Wed,
Sat. GGR 16:20 ADD 18:20 ET DH8

“Waxaanu aad ugu faraxsan nahay in aannu bilowno duullimaad tegaya Garoowe, Somalia. Kaasoo uu kasii horreeyay midka aannu ku tagno Muqadisho, Somalia, adeeggan cusubi wuxuu xoojinayaa xiriirka dad, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya labadan dal ee walaalaha ah, anagoo dunida ka keenayna qurba joogta faraha badan ee Soomaaliyeed ee daafaha dunida kala jooga.”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Ethiopian Airlines Mr. Tewolde GebereMariam.

Ethiopian Airlines oo tagta 120 bar-dhamaad oo caalamka ah ayaa Muqdisho ka bilowday duullimaadkii ugu horreeyay muddo 40 sano ka badan, 4 bilood kahor.

Ha yeeshee, Ethiopian Airlines waxay caddaysay inaysan qayb Somalia ka tirsan u aqoonsanayn magaalada Hargaysa oo ay sidoo kale tagto, iyadoo Garoowe iyo Muqdisho uun qoraalkeedan ku xustay.

Mana aha arrin iyada u taalla inay moowqif siyaasadeed qaadato, iyadoo weliba warkeeda u qortay qaab hoos gelis ah misna muujin ah, waayo way xusuusteen Xamar, laakiin ma aysan sheegin Hargaysa, taasoo ah qorshe si deggan Soomaalida loo laqsiinayo wax ku saabsan masiirkooda.

Hadalsame Media