Riyad Mahrez & xaaskiisa oo sameeyay arrin laga xishoodo iyagoo markii la xukumay xanaaqey!!

0

(Manchester) 27 Juun 2019 – Laacib Premier League ka dheela iyo xaaskiisa ayaa lagu amray inay bixiyaan kumannaan geni oo ay siinayaan carruurta haweenay adeegto ah oo ku ashtakootey in aan mushahar fiican la siinin.

Garsoore ayaa ku xukumay laacibka Manchester City ee Riyad Mahrez, oo todobaadkii qaata £200,000 oo geni iyo xaaskiisa Rita inay si sharci darro ah u haystaan lacag ay leedahay Catalina Miraflores oo ah adeegto u dhalatay Philippines oo sheegtay inay la yaabtay ”hunguriga iyo khalkhal gelinta Mehre”, sida lagu qoray The Sun.

Lacagta ayaa ka kooban oberteen ay shaqaysatay haweenaydan oo saacaddii qaadata £12 geni, carruurtana u xanaanayn jirtey laacibkan kaddib markii uu kasoo wareegey Leicester City oo ka iibisey Manchester City oo 2018 ku qaadatay £60 milyan oo gini.

Garsooraha shaqaalah Judge John Sherratt ayaa laacibka iyo xaaskiisa ku xukumay inay bixiyaan lacag dhan £3,612 oo ay qaadanayso adeegtadu, balse waxaa la sheegay inuu laacibku aad u qayliyay isagoo dood ka qaba inuu bixiyo wax ka yar 4 kun oo gini oo uu qof miskiin ihi leeyahay.

Hadalsame Media