”Qol buu igu xirtey kadibna….” – Qalanjadii Gambia oo sheegtay inuu kufsi kala kacay Madaxwaynihii hore ee dalkaasi + Sawirro

0

(Banjul) 26 Juun 2019 – Qalanjadii hore ee haysatey koobka quruxda Gambia, Toufah Jallow, oo 23-jir ah ayaa sheegtay inuu 2015 kufsaday Madaxwaynihii hore ee dalkaasi Yahya Jammeh markaasoo oo uu weli xilka hayey.

Gabadhan ayaa arrintan la wadaagtey hay’adda xuquuqul insaanka u doodda ee Human Rights Watch iyo NGO Swiss ah oo la yiraahdo Trial International kuwaasoo sheegay in Mr Jammeh uu haweenka Gambia ula dhaqmi jirey sidii badeeco uu isagu leeyahay.

Idaacadda BBC ayaa isku dayday inay la xiriirto Mr Jammeh, oo haatan musaafuris ahaan ugu nool dalka Equatorial Guinea, si ay wax uga waydiiso eedaymahan.

”HABLAHA BARATOKOOLKA”

Ninkan ayaa la sheegay inay gabar ay qaraabo yihiin ku caawin jirtey falkan yaqyaqsiga leh, iyadoo hablaha qurxoon usoo dabi jirtey oo usoo xera gelin jirtey, waana gabar ay ilma adeer yihiin oo la yiraahdo Jimbee Jammeh, taasoo markasta oo uu shir dhoco usoo naqayn jirtey kuwa ugu doorka roon haweenka goobta imanaya.

Gabadha Toufah Jallow, ayaa xilliga uu kufsanayey 18-jir ahayd isla markaana 2014 ku guulaysatey gabadha ugu qurxoon Gambia, taasoo uu Jammeh laftiisu ku sheegay “bandhig haweenka lagu xoojinayo”.

Muddo 6 bilood ah ayaa la sheegay inay dalabkiisa diidaysey isagoo haweenka ku sasaban jirey lacag kaash ah, haddiyado iyo mudnaan kale, waxay xitaa ka diiddey ”inuu guursado” sida la yiri.

Yeelkeede, markii dambe qof kaaliyeyaashiisa ka mid ah ayaa kusoo xera geliyay inay kasoo qayb gasho munaasabad Qur’aan akhris Ramadaanka ka horreeya ahayd oo lagu qabtay Madaxtooyada, waxaana la sheegay in kaddib uu Yahya iskula xirey kaddibna uu wax ku dhuftay una hanjabey isagoo markii dambe maaddo dareere ah ku duray, halkaana ku kufsaday sida ay sheegtay. Maalmo yar kaddib waxay u baxsatay dalka Senegal.

Jammeh oo 22 sano dalkaa xukumayay kahor intaanu doorashada uga adkaanin Adama Barrow bishii Diseembar 2016, ayaa sidoo kale la sheegay inuu dalkiisa kala goostay lacag dhan 1 bilyan oo doollar (880 milyan oo euro).

Hadalsame Media