Itoobiya oo weli ooyaysa & Abiy Ahmed oo ugu daran + Sawirro

0

(Addis Abeba) 27 Juun 2019 – RW Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa ooyin ku dhamaystay munaasabad baroor diiq ahayd oo loo qabtay jeneraalladii lagu diley isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada.

RW Abiy ayaa ooyayey intii ay xafladdu socotey oo idil, iyadoo la arkayey isagoo ay gacmuhu madaxa u saaran yihiin. Mar uu jeneraal salaamayey naxashka uu ooyin la dhacay waxaa la arkayey Mr Abiy oo isagoo ooynaya qoor qooraysanaya Madaxwayne Sahle-Work Zewde oo iyaduna ooyaysa.

Jen Seare iyo Madaxwaynaha maamulka Amxaarada ayaa la sheegay inay labaduba saaxiibbo dhow la ahaayeen Mr Abiy oo ilaa haatan muujinaya astaamo niyad jab iyo quus ah.

Weerarka Sabtigii lagu khaarajiyey Jen Seare iyo Jen Gezai ayaa yimid saacado yar uun kaddib markii magaalada Bahir Dar lagu khaarajiyey Madaxwaynihii Maamul-goboleedka Amhara, Ambachew Mekonnen, iyo laba sarkaal oo sare oo uu ku jiro Xeer Ilaaliyihii gobolku.

Maydka labada jeneraal ayaa laga dejiyay garoonka Alula Aba Nega Airport ee magaalada Mekelle ee caasimadda Tigraay halkaasoo lagu aasay.

Askarigii khaarajiyey labada jeneraal oo wada Tigree ahaa midkoodna weliba ahaa Sarreeye Guud howlgab ah oo ka tirsanaan jirey ciidamada lugta ayaa la sheegay in isbitaal lagu dawaynayo taasoo ka hor imanaysa warkii hore ee ahaa in la toogtey oo la diley.

Jeneraalkii afgembigan soo agaasimey oo Amxaar ahaa ayaa Isniintii la toogtey. Sarreeye Guuto Asaminew Tsige ayaa sida la sheegay la toogtey isagoo hollinaya inuu ka baxsado meel uu kaga dhuulaamaysanayay caasimadda Amxaarada ee Bahir Dar.

Wiil aan magaciisa la sheegin oo uu dhalay Sarreeye Guud Gezayi Abera, oo isagoo tiiraanyaysan salaamaya naxashka maydka aabihii oo lagu duubay calanka Itoobiya.

Hadalsame Media