Marka qof aad mar taqaanney uu mansab iyo mudnaan helo ee aad markale barato!

0

(Hadalsame) 27 Juun 2019 – Waxaa jira qof aad u qabow oo socod gaaban oo irridda meel dhisme ah haddaad ku kulantaan intuu irridda gacan ku qabto ku dhaarta in aad adigu hor geleysid XUSHMAD darteed. Sidaasaad qofkaas ku taqaan.

Laakiin qofkaasu markuu baabuur wato, kii aad taqaanney maaha, xawli saa’id ah ayuu ku wadaa haddii aad jiiro 1km ka fog ka soo leexatidna hoonka iyo inuu nalalka kugu hillaaciyo ayuu isku darayaa.

Baabuurka dheereeya iyo hebelkii gaabin kirey markay isu tagaan waxaa soo baxa dabeecad saddexaad oo barasho cusub kaaga baahan.

Waxaa la mid ah qof aad taqaanney oo hub helay, hanti yeeshay ama derejo qaatay. Ka filo dabeecad cusub. Adigana markii wax kuu kordhaan ha la yaabin dadka kula yaaba.

Waa se haddii aad tahay qof iska miskiin ah oo dhaldhalaalku dhega tiro iyo indho ku garaadle. Mansabka iyo mudnaantu waxay soo saaraan inta ay la egtahay dadnimada dhabta ah ee qofku.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media