“Waa la xirey askarigii weriyaha garaacay tillaabana waa laga qaadayaa!” – Madaxtooyada Somalia

0

(Muqdisho) 26 Juun 2019 – Madaxtooyada Somalia ayaa war kasoo saartay dhacdo aad u foolxumayd oo uu ku kacay askari la tirsan ciidamada amaanka xafladdii 26-ka Juun.

“Waxaan aad uga xunnahay falkii xalay uu Sarkaal kamid ah CXDS kula kacay suxufi ka tirsan bahdii warbaahinta ee tabinaysay Xuska 26ka Juun.” Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Axmed.

“Keddib baaritaan ay Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ku sameeyeen dhacdadii xalay waxaa falkaas loo soo xiray askarigii kasoo muuqday muuqalladii lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan shuruucda Ciidanka Xoogga Dalka.

“Waxaan ku kalsoonnahay in wariyihii dhibka la gaarsiiyay uu helayo caddaalad, waxaana ka raalli galinaynaa shacabka falkii xalay ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose.” Ayuu daba dhigay.

Weriyaha xalay sida xun loola dhaqmay ayaa la sheegay in lagu magacaabo Cabdulqaadir Kismaayo.

Hadalsame Media