SAWIRRO: RW Khayrre oo gaarey Godinlabe & qorshaha (Xaaf oo halkaa ku qaabiley)

0

(Godinlabe) 26 Juun 2019 – Ra”iisul Wasaaraha DF Somalia Xasan Cali Khayrre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Godinlabe Waxaa uga hor tegey oo ku soo dhaweeyay Mudanayaal ka tirsan labada Gole ee BFS iyo Madaxweynaha Galmudug.

Wefdigan ayaa kaddib u gudbaya dhanka magaalada Cadaado halkaasoo sida lagu wado ay ku yeelan doonaan wada hadallo, isagoo Cadaado caawa ku hoyan doona, sida qorshuhu yahay.

Waxyaabaha miiska saaran waxaa ugu door roon sidii ay dhinacyada ay khuseeyso oo dhami uga qayb qaadan lahaayeen doorasho guud oo keenta in uu fariisto maamulka Galmudug oo khilaaf la degey.

Wuxuu ujeedku yahay in dadka degaanka loo qabto dib u heshiisiin kooban kaddibna la dhiso maamulka iyadoo la dooranayo madaxda sare.

Doorashada ayaa loo muddeeyay 4ta Luulyo, balse ma cadda inay xilligaa ku qabsoomi karto.

RW Khayrre ayaa lagu wadaa inuu isla berri dib ugu laabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Hadalsame Media

Facebook Comments