Maxaa KOONFURTA ka galay 26-ka JUUN? (Ogoow 4 qodob oo asaasi ah)

0

(Muqdisho) 26 Juun 2019 – Xalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay 26-ka Juun oo ah maalintii ciid Soomaaliyeed laga taago calan xor ah 1960-kii.

Waxaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar (ex Ufficio Governo) oo iyaduna ahayd meeshii ugu horreeysey ee laga taago calanka buluugga ah 12-kii Oktoobar 1954-kii ka dhacday xaflad ballaaran oo ay kasoo qayb galeen qaar badan oo ka mid ah madaxda sare ee qaranka.

MAXAA KOONFUR KA GALAY 26-KA JUUN?

Waxay ka mid tahay aragtiyaha aan saxda ahayn ee jiilka cusub laga dhaadhicinayay 28-kii sanee dambe, waxaana gaar ahaan adeegsada horseedka siyaasadda maamulka Somaliland oo ah gobol doonaya inuu ka go’o Somalia.

Ha yeeshee, arrintaasi waxay khilaafsan tahay taariikhda iyo guud ahaanba micnaha guud ee ay u taagan tahay maalinta 26-ka Juun marka wax laga soo eego dhanka qoowmiyadda Soomaaliyeed.

Arag sababta ay koonfur maahee qof kasta oo Soomaali ah micne ugu samaynayso maalintaasi:

1 – Horta calankii laga taagey Hargaysa saqdii dhexe habeennimo ay Isniini soo geleeysey 1960-kii ee la saaray Fagaaraha Xorriyadda ee Hargaysa wuxuu ahaa calanka buluugga ah oo 6 sanadood kahor lagu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana calankaa qaatay gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (Somali Republic), sidii lagu sii heshiiyay.

Haddii wax kale lagu heshiin lahaa sida in iyadoo dalal lakala yahay oo aan la isku calan ahayn doodda ah ”dal baannu ahayn” micne ayay samayn lahayd, balse taasi ma dhicin.

2 – Maxmiyaddii Britain ee British Somaliland habeenkaa ma saaranin calan u gaar ah, astaan qaran oo u gaar ahna ma garaacin, dastuur u gaar ahna ma samaysanin. Ujeedku wuxuu ahaa, sidii la sii qorsheeyayba, in 4 maalmood kaddib lala midoobo gobolka kale ee Italian Somaliland, sidaa darteed, koonfur walaa woqooyi cid iyadoo kaligeed dal ah xorriyad qaadatay ma jirto.

3 – Maadaama ay gobollada woqooyi ka mid yihiin geyiga qoowmiyadda Soomaaliyeed, xorriyadda ay qaateenna ay ahayd tii ugu horreeysey ee abid ka dhacda geyi Soomaaliyeed, qof kasta oo Soomaaliyeed waa ku waajib inuu xorriyaddaa qiimeeyo una dabbaal dego, xitaa kuwa weli harsanaya calamada Kenya iyo Itoobiya, sidaa darteed.

26-ka Juun waa maalin ruuxi ah iyo astaan Soomaaliyeed, si la mid ah calanka buluugga ah oo ixtiraam ka mudan qof kasta oo Soomaali dhaba ah, maadaama uu u taagan yahay umadda Soomaaliyeed oo hal qabiil isku ah, wax qaybin kara oo dabiici ahn aysan jirin.

4 – Aragtida ah inay jiraan Soomaali 5 ah waa aragti khaldan oo laga ergaystey gumaysigii qaybiyay geyiga Soomaaliyeed waana midda ay salka ku hayso ee ay taageeranayso su’aasha waalan ee ah ”Maxaa koonfur ka galay 26-ka Juun?”, sidaa darteed, sax maaha in umadda la qaybiyo oo la isku diro iyadoo la daliishanayo aragti qalaad oo iskeed u khaldan. Waxaa dheer in sharciyan uu woqooyigu weli yahay dal ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Waxaa soo dhan iyo qaar kaloo baa koonfurta xaq u siinaya inay u dabbaal degto 26-ka Juun.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media