XASARAD SIYAASADEED: Xukuumadda Kenya oo lasoo jeediyay in lakala diro & 4 Wasiir oo lagu eedeeyay inay khaarajin rabaan MW Xigeenka Kenya

0

(Nairobi) 25 Juun 2019 – Madaxwaynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta ayaa lagu boorriyey inuu kala diro xukuumaddiisa, kaddib markii uu Madaxwayne Xigeenkiisa William Ruto uu ku eedeeyay qayb ka tirsan Golaha Wasiirradu inay khaarajin rabaan isaga.

Isniintii shalay ahayd wasiirro ay ka mid yihiin Sicily Kariuki, Joe Mucheru iyo Peter Munya ayaa looga yeerey xarunta Waaxda Dembi Baarista dalkaasi ee DCI kaddb markii uu dacwo ashtako ah uu ka gudbiyay Dr Ruto.

Qarreenka Nairobi Md Ahmednasir Abdullahi ayaa Madaxwaynaha Kenya usoo jeediyay inuu eber kasoo bilaabo oo si ay u degto xiisadda siyaasadeed ee haatan sii kululaanaysa loo baahan yahay inuu kala diro xukuumadda Kenya.

“Marka la eego eedda Madaxwayne Xigeenka William Ruto ka gudbiyay in 4 wasiir (oo isku qabiil ah) ay khaarajintiisa qorshaynayaan, H.E Uhuru waa inuu xukuumadda kala diraa oo mid cusub soo dhisaa….Ilama aha inay tani tahay arrin horay u dhacday taariikhdeenna,” ayuu soo tweet gareeyay Ahmednasir.

Ninka siyaasadda lafa gura ee Mutahi Ngunyi ayaa ka digey in Kenya ay ku socoto jid halis badan.

Hadalsame Media