RW Khayrre oo berri tegaya magaalada Cadaado (Xog shiilan)

0

(Dhuusamareeb) 25 Juun 2019 – Warar aannu ka heleeyno ilo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa noo xaqiijinaya in uu RW Xasan Cali Khayrre berri ku wajahan yahay magaalada Cadaado.

RW Khayrre ayaa marka uu tago magaalada Cadaado oo ay haatan ku sugan yihiin rag ka tirsan madaxda Galmudug ayaa wuxuu halkaa ku arkayaa rag ay ka mid yihiin Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Dhexe ee Somalia.

Khayrre oo maanta ka khudbaynayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay DF doonayso in la helo maamul midaysan oo ka dhasha Galmudug kaasoo gobolka iyo dalkaba wax ku kordhiya.

Warar uu Hadalsame ka kala helayo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaana sheegaya inay wanaagsan tahay rajada ku aaddan in la dhiso maamul la isku raacsan yahay, maadaama ay labada dhinacba ogol yihiin doorashada lagu baaqay 4-ta Luulyo.

Hadalsame Media