DAAWO: Arrin aad u foolxun oo xalay ka dhacday goobtii lagu maamuusayay 26-ka Juun + Sawirro

0

(Muqdisho) 26 Juun 2019 – Xalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay 26-ka Juun oo ah maalintii ciid Soomaaliyeed laga taago calan xor ah 1960-kii.

Haddaba, waxaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar (ex Ufficio Governo) oo iyaduna ahayd meeshii ugu horreeysey ee laga taago calanka buluugga ah 12-kii Oktoobar 1954-kii ka dhacday xaflad ballaaran oo ay kasoo qayb galeen qaar badan oo ka mid ah madaxda sare ee qaranka.

Yeelkeede, waxaa goobta ka dhacday foowdo ay kaamarooyinku qabteen taasoo ku saabsan nin askari ah oo ka mid ah dadkii goobta nidaaminayay oo si caadi ah u feeraya qof lagu sheegay weriye.

Waxaa markaa muuqanaysay in askarigani aanu lahayn xirfadda iyo kartida loo baahan yahay marka ay timaaddo in howlahan oo kale la qabto, iyadoo la arkayay askariga oo aan xitaa u muuqanin qof tababar qaba oo feer iskala saaran wiilkii weriyaha ahaa, taasoo ah ku takri fal awoodeed iyo anshax darro.

Waloow weriyaha laftiisa looga baahan yahay in haddii lagu amro inuu istaago, bayro ama laabto uu raaco ama adeeco amarka askarigu siinayo.

 

Hadalsame Media