Turkiga oo Somalia ka caawinaya laba kaabe oo muhim ah + Sawirro

0

(Istanbul) 24 Juun 2019 – Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka waxay ku howlantahay sidii loo dhisi lahaa laba system oo laf dhabar u noqon doona sidii looga gudbi lahaa marxalada maanta.

1 – Hannaan bixiya Digniin hore: Waxaa dhawaan la daah furi doonaa hannaanka odoroska cimilada iyo digniinaha oo ay Soomaali leedahay. Wuxuu inaga caawin doonaa in la ogaado musiibooyinka dabiiciga ah inta aysan dhicin ka hor si loo yareeyo khasaaraha.

2- Xarun Qaran oo Xiriirinaysa Gurmadka Deg Degga:
Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg dega ah dhawaan ayaa iyadana la dhagax dhigi doonaa. Xaruntan ayaa laga hagi doonaa dhamaan ka jawaabida musiibooyinka aadanaha sababo iyo kuwa dabiiciga ah.

Lanadan hannaan taaba gelintooda waxay kaalin mug leh ka qaadan doonaan sidii looga sii gaashaaman lahaa kaddibna looga jawaabi lahaa xaaladaha deg degga ah ee soo noqnoqda looguna gudbi lahaa horumar waara.

Arrintan ayaa waxaa gacan ka gaysanaya dalka Turkiga oo Somalia ka caawiya dhismaha hay’aadka dowliga ah iyo kaabayaasha.

Xigasho: Cabdi Caddoow

Hadalsame Media