Ciidamo Komaandoos ah oo soo gaarey Dhuusamareeb & wararkii ugu dambeeyay

0

(Dhuusamareeb) 24 Juun 2019 – Waxaa magaalada Dhuusamareeb yimid ciidamo ka tirsan qaybta 21-aad ee Komaandooska Danab oo uu fadhigoodu yahay magaalada Gaalkacyo, si ay uga qayb qaataan sugitaanka amaanka.

Waxaa aad loo xoojiyay amniga magaalada Dhuusamareeb oo la sheegay inuu ku soo wajahan yahay Reysulwasaaraha Somalia Xasan Cali Khayrre.

Waxaa ciidamada ka tirsan DANAB ee Xoogga Dalka ee lagu soo xoojiyey amaanku ay kaashanayaan ciidamadii halkaa horay uga Howl gelayay.

Ciidamada ayaa sugaya amniga caasimad goboleedka, gaar ahaan xarumaha muhimka ah iyo Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi.

Hadalsame Media