MARAYKAN VS IIRAAN: Baro cududda CIIDAN ee labadan dal (Yaa badinaya haddii ay lacalla dagaallamaaan?)

0

(Hadalsame) 24 Juun 2019 – Waxaa beryahan kacsan xiisad ka aloosan agagaarka Marinka Hormuus oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, haddaba haddii Iiraan iyo Maraykan dagaallamaan awooddan bay isu la imanayaan:

Ciidanka:

Maraykan: hal milyan iyo afar boqol oo kun oo rigli ah iyo hal milyan iyo boqol kun oo kayd ah. 130 dawladood ayuu ku lee yahay 750 saldhig millateri.

Eeraan: 545 kun oo askari oo ay ku jiraan 90 kun oo ah ciidanka gaarka ah ee la yidhaahdo Ilaalida Kacaanka.

Dayuuradaha dagaalka:

Maraykan: 13000 oo dayuurad dagaal.
Eeraan: 480 dayuuradood.

Ciidanka lugta:

Maraykan: 9000 oo dabaabadood, iyada oo baabuurtiisa dagaalkuna saddex goor ka badan tahay kuwa Eeraan.
Eeraan: 1600 oo dabaabadood.

Gantaalaha:

Xarumaha la ga gano gantaalaha dagaalka labada dawladood waa ay isu tiro dhow yihiin.

Ciidanka badda:

Maraykan: 20 markab oo dayuuradaha xambaara iyo 430 markab dagaal.

Eeraan: 18000 oo askari iyo 400 oo markab.

Difaaca cirka:

Labada dawladoodba wax ay lee yihiin hab difaac cirka ah oo ay ku burburin karaan xitaa gantaalaha qaaradaha isaga gudba. Wax ayna Eeraan haysataa sida Maraykankan gantaalo riddo dhow, riddo dhexe iyo riddo dheer intaba oo ay dhammaantood iyadu farsamaysay.

Miisaaniyadda dagaalka:

Maraykanku waa dalka kowaad dunida miisaaniyadda dagaalka oo gaadhaysa 714 bilyan oo Dollar, halkan Eeraan dunida ka ga jirto kaalinta 14 oo ah 6 bilyan oo Dollar.

Xigasho: Al Jazeera

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media