Cadaado oo go’aan ka gaartey Xaaf & RW Khayrre oo woxoogaa dib u dhacaya

0

(Galmudug) 24 Juun 2019 – Maaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa iminka kusoo dhamaaday shir ay odayaasha magaaladu uga hadlayeen go’aanka ay ka qaadanayaan imaanshaha Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Ducaale ee Cadaado.

Shirka oo ay isku yimaadeen waxgaradka Cadaado sida odayaal dhaqmeedka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ayaa la sheegayaa in lagu go’aamiyay in Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan tuulada Godiblabe uu iman karo magaalada Cadaado, welibana la dejiyo Xaruntii KMG ahayd ee Madaxtooyadda, oo uu bilowgii ka howlgeli jirey kahor intii aanu la heshiinin Ahlu Sunna, kaasoo uu xalay ka baxay.

Dhanka kale, RW Xasan C Khayrre oo laga sugayo magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu woxooga dib u yara dhacay, balse uu imanayo duhurka waxyar kaddib.

Waxaa goobta lasii geeyay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo kuwa degaanka ka caawinaya amaanka, sida ay Hadalsame u sheegeen ilo goobjoog ah.

Hadalsame Media