”IDINKA WAREEGI MAAYO!” – Weriye jidka ka xirey kolonyo madax kula ordaysey oo JID khaldan! (Daawo)

0

(Nairobi) 24 Juun 2019 – Boniface Mwangi oo ah nin gayfane ah isla markaana sawir qaade ah ayaa saaka wuxuu kolonyo dad madax ah waddey u diidey inuu jidka uga leexdo, maadaama ay jid khaldan ku socdeen, magaalada Nairobi.

Muuqaal uu soo geliyay isla Mwangi, ayaa muujinaya kolonyo 3 gaari ah oo ku ordaya seed aysan xaq u lahayn, waxaana ka hor yimid gaariga ninkan oo isagu jidkiisa haysta, balse waxaa lagu armay inuu ka wareego, wuuse diidey.

“Maxaad dhanka khaldan ugu socotaa? Idinkama leexanayo,” ayaa la maqlayaa isagoo u sheegaya nin ka mid ah ilaalada kolonyada.

“Waxaan kaliya jidka u bannayn karaa dhoollida iyo dab-damiska. Waan se ka xirayaa siyaasiyiinta iskood isu xaq siiyay ee wiishka u daaranaya inay jidka ku bannaystaan.” ayuu yiri Mwangi.

“Canshuur bixiye ahaan, waxaan dadka gawaarida waawayn wata ka codsanayaa inay sharciga raacaan isla markaana keenaan xal wax ka qabanaya jidadka cariiriga ah,” ayuu daba dhigay Mwangi.

Hadalsame Media