Ogoow sida guuldarrada Erdogan ee Istanbul aysan Soomaalida ugu roonayn!

0

(Istanbul) 24 Juun 2019 – Xisbigii Erdogan si xoog leh baa loo ga adkaaday doorashadii Istanbuul ee kuceliska ahayd.

Doorashadan oo muhiim ahi wax ay barbilow u noqon kartaa xisbiyada calmaaniga ah oo doorashada dambe ee madaxnimada soo baxa. Reer Galbeedka iyo dawladaha Carabta xukuma badankoodu sidaas bay rabaan.

Mid baa se hubaal ah, soomaalidu inta ay burbursan tahay waxaa u dan ah xisbigan AKP iyo Erdogan oo isu dhigaya Saldanadii Cismaaniyada.

Waa tii keentay in reer Galbeed ku qasbanaadaan in ay Muqdisho safaarado geystaan oo Soomaaliya aqoonsadaan. Haddii calmaaniyiintu talada qabtaan Yurub ayay aad u gu dhowaanayaan, taasina wax ay dhimaysaa danayntooda Soomaaliya.

Dantaada u feker, jaalle!

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media