CEEB: Bayloot lagu qabtay isagoo boorso xadaya (Sawirkiisa)

0

(Sydney) 24 Juun 2019 – Nin duuliye ka ah Air India ayaa lagu qabtay isagoo isku deyaya inuu wax ka xado dukaan ku yaalla gegada Sydney Airport. Waxaa kasii daran waxa uu xadi rabey.

Kabtan Rohit Bhasin, oo sidoo kale ah Maareeye Goboleed u shaqeeya Air India, ayaa is celin waayay markii uu boorso qurxoon ku arkay garoonka Sydney International Airport, sida ay baahisey saxaafadda maxalliga ihi.

Bhasin, ayaa waxaa arkay duuliye la shaqaynayey kaasoo deeto arrinta usii sheegay madaxda ka sarreeysa.

Bhasin ayaa qirtay inuu galay dukaan lagu iibiyo boorsooyinka iyo alaabooyin kale si uu haddiyad ugu gado gabar uu soddog u yahay, wuxuuna sheegay inuu “is celin waayay farxad darteed” kaddib markii loo sheegay in uu awoowe noqonayo.

Air India ayaa markiiba shaqada ka joojisey iyadoo baaritaan ku bilowday dhacdada, waxaana laga gooyay gunnadii uu qaadanayay, inta ay baaristu soconayso.

Hadalsame Media