DAGAALKII WARQADAHA: DF Somalia & kooxda Ahlu Sunna oo soo saaray War Saxaafadeed is waafaqsan balse khilaafsan midkii Xaaf

0

(Muqdisho) 24 Juun 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho kasoo baxday War Saxaafadeed kasoo baxay dhanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF Somalia.

Waxaa warqaddaa ku xusan in doorashada guud ee Galmudug la qabanayo 4-ta Luulyo oo ah horraanta bisha soo aaddan, iyadoo weliba ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka Galmudug.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta maamulka Galmudug garabka Dhuusamareeb ayaa aqbalay in 4-ta bisha Luulyo ee soo socota ay qabsoonto doorashada Xildhibaannada, iyo hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Warkaan ka soo baxay madaxda Galmudug ayaa lagu sheegay in sida ku cad warqadii ka soo baxday Wasaarada Rrimaha Dudaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya ee ku aadanayd qabsoomidda doorashada Galmudug, la isku raacay in doorashada Galmudug ay dhacdo waqtiga loo asteeyey.

Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey go’aanka madaxda Galmudug ee ku aaddan qabsoomidda doorashada Galmudug waxayna sheegtay in Dowladdu ay fududeyn doonto sidii doorashani u noqon lahayd mid ”xor iyo xalaal ah” sida ay sheegeen.

Yeelkeede, Madaxwaynaha Galmudug ayaa xalay xilli dambe soo saaray warqad uu ku sheegayo inuu burey heshiiskii uu la galay Ahlu Sunna isagoo aqbalay inay dhacdo doorasho ay gacan ka gaysato DF Somalia.

Hadalsame Media