XAAF oo ka baxay heshiiskii Ahlu Sunna (War Saxaafadeed xilli dambe soo baxay)

0

(Godinlabe) 24 Juun 2019 – Waxaa soo baxay War Saxaafadeed la sheegay inuu soo saaray Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale, kaasoo ay ku xusan tahay inuu ka baxay heshiiskii uu la galay kooxda Ahlu Sunna wal Jamaaca.

Waxaa warqadda ku xusan inuu baaba’ay heshiiskii Jabuuti lagu gaarey ee markii dambe Muqdisho lagu saxiixay 06-12-2017, kaasoo ay kasoo baxday in la sameeyo Madax Xukuumadeed iyo isku darka laba Baarlamaan, kaasoo ay horay u diideen Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Madaxwayne Xigeenka Galmudug.

Waxaa war Saxaafadeedkan ku qoran inay baaba’een wax kasta oo ku caddaa heshiisyadii lala galay kooxda Ahlu Sunna iyo qodob kasta oo lala saxiixday. Waxaana doorashada ka wada shaqaynaya DF Somalia iyo Maamulka Galmudug.

War Saxaafadeedkan oo xilli dambe soo baxay ayuu Xaaf ku ogolaaday in doorasho la qabto, taasoo ka dhacaysa caasimadda KMG ah ee Cadaado iyo in dib loosoo celiyo Baarlamankii lagu doortay isla Cadaado, Guddoomiyihii Baarlamanka iyo Madaxwayne Xigeenkii la doortay ee ay horay iskugu dheceen Xaaf laftiisa oo ay uga soo tageen Dhuusamareeb.

Arrintan ayaa dib usoo celinaysa xaaladdii ay taagnayd kahor shirkii Jabuuti lamana oga halka ay saldhigan doonto xaaladda cakiran ee Galmudug oo u baahan dad u baxa.

Hadalsame Media