DEG DEG: RW Xasan C Khayrre oo ka degey Dhuusamareeb + Muuqaal & Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 24 Juun 2019 – RW Somalia Xasan Cali Khayrre ayaa haatan kasoo degey magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

RW Khayrre ayaa waxaa uu halkaa u tegey inuu madaxda halkaasi kala hadlo sidii loo qaban lahaa doorasho xalaal ah oo xor ah iyo sidii loo dhamayn lahaa khilaafka haatan taagan oo DF Somalia uga baahan inay xalliso.

Tegitaanka Khayrre ee Dhuusamareeb ayaa waxaa hareeynaysa ka bixitaanka magaaladaasi ee Madaxwaynaha Galmudug ee haatan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo ay isku dheceen kooxda Ahlu Sunna.

Waxaa se soconaya isku dayo lagu doonayo in arrintaa la dhameeyo si loo qabto doorasho loo dhan yahay oo laga wada qayb galo, si loo badbaadiyo maamulka Galmudug oo khilaafaad gudeed la daalaa dhacaya, iyadoo ay jiraan xildhibaanno ka imanaya Gaalkacyo iyo Muqdisho oo Xaaf la kulmi doona, kuwaasoo ay qaarkood haatan tageen magaalada Cadaado.

Hadalsame Media