Iiraan oo ”iska difaacdey” dagaal danabeed uu kusoo qaaday Maraykanku

0

(Tehraan) 24 Juun 2019 – Iiraan ayaa sheegtay inay ka guulaysatey weerar danabeed dhanka internet-ka ah oo uu Maraykanku kusoo qaaday, kaasoo lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha ciidamada.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in Washington ay dhulka dhigtay oo ay jug wayn gaarsiisey hannaanka laga xukumo gantaalaha Iiraan iyadoo ka aargudanaysa daroonkii laga soo ridey.

Yeelkeede, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Iiraan ee Mohammad Javad Azari-Jahromi ayaa wararkaa beeniyay isagoo sheegay inay Maraykanku arrintaa isku dayeen balse ay ku guuldarraysteen.

Aqalka Gaashaandhigga Pentagon iyo Aqalka Cad midkoodna kama hadal warbixinta sheegaysa in uu dhacay weerar danabeed ay iska kaashadeen Taliska Dagaalka Internet-ka ee US Cyber Command iyo Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee US Central Command si Iiraan looga bilo soo ridistii daroonka.

Hadalsame Media