Sucuudiga oo Somaliland ku xujeeyay inay RUKHSAD kasoo qaadato DF Somalia

0

(Hargaysa) 24 Juun 2019 – Waddanka Sacuudiga ayaa sannadka shuruud cusub ku soo rogay xoolaha xilliga Xajka ee Somaliland, taasoo ay durba diideen maamulka Somaliland.

Qoraal rasmiya oo ay u soo direen xukuumadda Somaliland ayay ku sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qur ihi sannadkan bixin doonto waraaqda caafimaad ee xoolaha ka dhoofaya Dekedaha Somaliland.

Yeelkeede, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland ayaa dalabkaasi ku gacan sayray isagoo sheegay in aanu aqbalayn go’aankaasi, sida uu sheegay weriye Xasan Galaydh oo u shaqeeya hilinka Horncable.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ogoshahay shuruudadaha caafimaad ee Sucuudiga, balse ay go’aansatay in xoolaha lagu dhoofiyo magaca Somaliland ama ay sannadka baaqsadaan oo aanay hoos tegaynin DF Somalia, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media