DAAWO: Maxay Soomaalidu ka aaminsan yihiin dalalka ku jira AMISOM? (Dalkee ugu taageero badan ama ugu yar?)

0

(London) 23 Juun 2019 – Daraasad cusub oo ku saabsan Somalia ayaa waxaa buug uu ka qoray dagaallada Somalia ku daabacay Prof la yiraahdo Paul Williams oo ka tirsan Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, taasoo ay samaysay hay’ad la yiraahdo Ipsos.

Daraasaddan ayaa ku saabsan kalsoonida ay Soomaalidu ku qabaan dalalka ku jira AMISOM ee ku sugan, waxaana soo baxday sidii la filayayba inaysan Soomaalidu aaminsanayn dalalka in Itoobiya iyo Kenya ay khayr u naadinayaan Somalia, waxaana daraasadda lagu xusay in xalka Somalia laga raadiyo Soomaalida oo qura.

Tusaale ahaan, 90% Soomaalidu waxay Kenya u arkaan kuwa u yimid dano iyaga u gaar ah, halka 91% ay sidaa oo kale ka aamisan yihiin Itoobiyaanka. Waxaa daraasadda ku sugan in ciidamada Kenya ay yihiin kuwo aan lahayn hab-raac fiican oo been badan.

Yeelkeede, Jabuuti ayaa loo muujiyay niyad sami wax badan ka fiican midda labadaa dal, waxaana in Jabuuti wanaag u timid aaminsan ilaa 52%.

Waxaa buugga lagu cambaareeyay siyaasiyiinta Soomaalida oo ah kuwa markasta sabab u ah silaca haysta shacabka iyo maqaam xumada dalka. ”Waa ku guulaysan waayeen inay keenaan siyaasad midaysan oo ay cadowga uga adkaadaan.” ayuu yiri Williams.

Soomaalida ayaa ka midaysan in inta badan ay dalalka Kenya iyo Itoobiya u arkaan dalal soo duuley oo Somalia u jooga inay kusii hayaan halka ay joogto (maintaining the status quo), si uu dalku u ahaad dal daciif oo qaybsan, iyagoo taageero ka helaya siyaasiyiin umadda qaybyaalad kula meeraysta.

Halkan ka daawo warbixin laga sii daayay SBC

Hadalsame Media