DHIB MISE DHEEF: Itoobiya oo haatan burburta waxay ay Somalia uga dhigan tahay! (Arag qodobbadan)

0

(Hadalsame) 23 Juun 2019 – Ugu horrayn Itoobiya waxaa lagu sheegaa 100 milyan Soomaali oo dhanna min Jabuuti ilaa Gaarisa ma hubo inay ka badan yihiin 20 milyan.

Haddii Itoobiya burbuto oo sidii Soomaaliya qax iyo dagaal joogto ah galaan, waa laga yaabaa in dadka qaar u arkaan guul waayo cadaw soo jirey ayaa meesha ka baxay. Laakiin waxaa ii muuqda dhibaatooyinka soo socda:

1. Qaxooti: Waxaa noo iman kara dad aad u badan suurta galna maaha inaan celinno waayo xudduud xiran ma lihin, ciidan ilaalo ah ma lihin, dadnimada iyo Islaaminada Soomaaliduna waxay u dhawdahay inaanay celin qof dab ka cararaya. Dadkaas waxaa ku jiri kara Soomaalida kililka. Ma awoodno inaan dadkaas meelo gaar ah ku maamulno waayo hanti iyo farsamo ku filan uma hayno.

2. Cudur: Bulshooyinka kala xiran waxaa ku kala qarsoon xanuunno qaarkood ama adkaysi u leeyihiin ama qaarka kale ku cusub. Isu furnaanta buuxda ee labada bulsho ee burburka ka dhalan karta waxay furaysaa xanuunada Itoobiya ka jira in ay si sahlan noogu faafaan.

3. Hub: Itoobiya waxay leedahay ciidan aad u hubaysan. Hubkaasi hadduu faraha ka baxo iyadoo Soomaalidu weli kala dareen qabaan waxaa laga yaabaa in tartan hub uruursi ah dib u bilawdo oo taasina abuurto dagaallo cusub.

4. Dhaqaalaha: Waa la iiga fiican yahay saadaasha dhaqaalaha. Laakiin in shaqaale jaban Soomaalidu helaan, oo Itoobiyaanka wax haystaa magaalooyinkeenna maalgashi ku samaystaan sida Soomaalidu Kenya u maalgeliyeen waa laga yaaba.

Waxaan is leeyahay haddii ay jirto maalin Soomaalidu say u dhan tahay ay hal wax ka wada tashan lahaayeen oo isku go’aan ka qaadan lahaayeen, waa xaaladda ka iman karta burburka Itoobiya.

Hadsii se ay koox walba oo Soomaali ihi danaheeda hoose ka eegto waxay keeni kartaa baab’a aan kooxna wax tarin.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media