Abaanduulkii Ciidamada Itoobiya oo la toogtey & wararkii ugu dambeeyay

0
Bahir Dar - By day

(Addis Ababa) 23 Juun 2019 – Abaanduulkii Ciidamada Itoobiya, Jen Seare Mekonnen, ayaa toogasho lagu dhaawacay iyadoo aan xaaladdiisa war laga haynin haatan, meel ka tirsan magaalada Addis Ababa, sida haatan soo korortay.

Waxaa Jeneraalka sare la toogtey mar uu isku dayayey inuu ka hor tago afgembi dhicisoobey oo ka dhacay Gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya, sida uu TV-ga dowladda ka sheegay RW  Abiy Ahmed oo tuutaysani.

Afgembigaas laga hor tegey ee gobolka Amxaarada ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay saraakiil badan oo ka tirsan siyaasadda iyo ciidamada sida Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolkaasi, kaddib rasaas ka dhacday caasimadda Bahir Dar.

Dalka Itoobiya ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jirtey xaalad kacsan oo mararka qaar isu bedeleeysey dagaal isireed u dhexeeya qoowmiyadaha faraha badan ee dalkaasi, iyadoo ay Oromadu laysay Soomaali badan.

Yeelkeede, Abiy Ahmed ayaa isku deyaya inuu furfuro siyaasadda dalkaasi isagoo sii daysay maxaabiis siyaasadeed, xannibkiina ka qaaday axsaabta siyaasadda isla markaana soo gole joojiyey rag ku eedaysan meel ka dhacyo dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Balse waxaa intaa ku socda isku day afgembi, iyadoo ay dad badan oo dalkaa u dhuun daloolaa ay qabaan in isbeddelku fiican yahay balse xawaaraha isbeddelka Abiy Ahmed uusan ahayn mid la jaanqaadaya baxaalliga siyaasadeed ee dalka Itoobiya oo uu ka jiro hardan siyaasadeed oo dhanka awoodda ah.

Waxaa haatan go’an internet-ka iyadoo aan la ogayn waxa dhici kara daqiiqadda xigta maadaama ay siyaasadda Itoobiya ay haatan tahay mid aan la saadaalin karin.

Hadalsame Media