DAAWO: ”Waxaan doonayaa inaan dhibcaha qaato anigoo ciyaaraya kubbad QURXOON” – Macallinka cusub ee Milan Marco Giampaolo

0

(Milano) 22 Juun 2019 – Macallinka cusub ee AC Milan ee Marco Giampaolo ayaa rumaysan inuu San Siro ka dhaqan gelin karo ciyaarista kubad ku dhisan aragtida ah badis iyo boqol oo ah in natiijada lagu laro ciyaar qurxoon, taasoo ah falsafadda macallinkii Empoli iyo Sampdoria.

“Runtii aad baan ugu dadaaley inaan helo fursaddan. AC Milan waa naadiga ugu guusha badan Yurub iyo mid ka mid ah kooxaha ugu muhiimsan Yurub, waana fursad wayn oo aan helay.” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ay soo jiidatey daacadnimada, kartida iyo shucuurta Boban iyo Maldini oo haatan ka tirsan maamulka Milan. ”Taasi waxay muujinaysaa waxa ay ka dhigan tahay inaad xirato funaanadda Milan.” ayuu yiri.

“Milan waxaa u hadlaysa taariikhdeeda, waana koox aalaaba ciyaari jirtey kubad qurxoon, ma se rabo inaan isku dhereriyo taariikhdaa hore, balse waxaan doonaynaa inaan soo celinno Milan oo ciyaaraysa kubad dadka madadaalisa misna natiijo leh.” ayuu ballan qaaday Marco Giampaolo.

Hadalsame Media