WAR CUSUB: Matthijs de Ligt oo caddeeyay kooxda uu doonayo inuu ku biiro!

0

(Torino) 22 Juun 2019 – Kooxda Juventus ayaa qarka u saaran daafaca Ajax ee Matthijs de Ligt, kaddib markii ay kooxdaasi heshay laacibkii PSG ee Adrien Rabiot, taasoo keenaysa inay iska dayso soo qaadashada Paul Pogba.

Habeenkii Jimcihii, warqaadka reer Dutch ee De Telegraaf iyo ninka Sky Sport Italia ugu qaybsan suuqa ee Gianluca Di Marzio ayaa labaduba waxay sheegeen in De Ligt ku biirayo Juve. Waxaa haatan ku raacay Sky Sports News.

Laacibka ayaa sidaa jac ugu dhejiyey kooxaha Barcelona, Paris Saint-Germain, Manchester United iyo Real Madrid isagoo Torino ku imanaya €70m oo euro, isagoo qandaraas 5 sano ah midkiiba ku qaadanaya €15-20m oo euro, taasoo 19-jirkan ka dhigaysa laacibka labaad ee ugu mushaharka badan Serie A kaddib laacibka kale ee isla Juve ee Cristiano Ronaldo oo qaata €30m.

De Ligt oo noqonaya saxiixa 1-aad ee Maurizzio Sarri inta la magacaabay, waxaana sabab u ah Adrien Rabiot oo si bilaash ah uga imanaya Paris Saint-Germain, taasoo €100m u biirinaysa kooxda Juve, maadaama ay iska daynayso Pogba oo u safta Manchester United.

Juve ayaa sidoo kale Joao Cancelo ka iibinaysa Manchester City, oo ku doonaysa €60m, iyadoo lacagahaas u adeegsan doonta soo xera gelinta daafacan la wada doonayo.

Hadalsame Media