Wararkii ugu dambeeyay ee dhanka Galmudug (Waa sidee xaaladdu?)

0

(Dhuusamareeb) 22 Juun 2019 – Wararka uu helayo Hadalsame Media ayaa sheegaya in ay jiraan ciidamo kasoo dhaqaaqay dhanka Gaalkacyo oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Godinlabe iyo Mareergur.

Ciidamadan ayay ilo ku dhow Dhuusamareeb noo sheegeen in loo badinayey in ay soo dooneen madaxweyne Xaaf oo xalay la isla dhexmarayey in uu u safri doono dhanka magaalada Gaalkacyo isagoo dhulka ku safraya oo sii maraya Cadaado.

Ha yeeshee, warka noocaas ah ayaan isa soo tarin, mana muuqdo sasaan ah in ay arrintaasi dhacayso, waxaana wararku haatan sheegayaan in ciidankaa ka yimi dhanka Gaalkacyo uu ku hakaday ah magaalada Gelinsoor, iyagoo saakayna usoo baxey dhanka Cadaado iyo Godinlabe oo markii dambe ay Soo gaareen.

Xogta aan xaqiijinnay ayaa sheegeysa in socodkoodu aanu ahayn wax sii qorshaynaa, balse uu kaliya ku qotomo sugitaanka haddii ay lacalla timaaddo in madaxweyne Xaaf go’aansado in uu dhulka ku socdaalo oo uu Gaalkacyo aado, sabab kastaba.

”Mareergur oo aan la xiriirney kama jiro culeys ciidan oo halkaa la geeyey iyo colaad gaar ah, mana jiraan ciidamo is hor fadhiya, sida lasoo werinayo, sidoo kale Shuusamareeb laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan, xaalkuna haatan waa deggan yahay.” ayuu yiri Weriye Cabdullaahi Warsame Guuleed oo goobta jooga.

Waxaa jira rabitaan ku aaddan in wax kasta wada hadal lagu dhameeyo iyo in aan loo baahayn in xaaladda lasii cakiro, si loo eego danta guud.

Waxaa halkaa jooga wefdi ka socda fulinta iyo sharci dejinta DF Somalia, kuwaasoo kulamo qoondaysan iyo wada hadallo la yeelan doona madaxda maamulka.

Hadalsame Media