Rafcaanka kiiska jiitamaya ee Caa’isha Ilyaas oo la dhegeysayo (Sababta rafcaan keenaysa oo lala yaabban yahay)

0

(Garoowe) 22 Juun 2019 – Maxkamadda Racfaanka magaalada Garoowe ayaa maanta markii ugu horreeysey waxay u fariisanaysaa dhegeysiga rafcaanka ay qaateen dadka lagu xukumay dilkii iyo kufsigii Caa’isho Ilyaas Aadan AUN.

Maxkamadda Rafcaanka ayaa marka ay dacwadda rafcaanka ah dhegeysato waxay ridi doontaa xukun kaasoo wax ku dari kara, ka bedeli kara ama raaci kara xukunkii hore ee Maxkamadda Degmada.

Qarreenada u doodaya eedeysanayaasha kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa iyaguna maxkamadda ha hor sheegi doona qiilka ay u hayaan raggan dilka ku xukuman.

Dad badan ayaa la yaabban sababta rafcaan keeni karta maadaama DNA-du wax kasta caddaysay oo ay tahay marqaatiga ugu wayn ee aalaaba lagu tiirsan yahay.

Shacabkaa ayaa isha ku haya arrintan oo go’aamin doonta guud ahaanba isku hallaynta nidaamka cadaaladeed ee Puntland ka jira, iyadoo dhowr mar la dib dhigay kiiskan oo noqday mid aad u gilgiley dareenka umadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Gabadha yar ee Caa’isha Ilyaas Aadan (Caash’isha Yar) oo 12 jir ahayd ayaa iyadoo si xun loo diley kaddib markii la kufsaday waxaa maydkeeda lasoo hor dhigay guriga qoyskeeda oo ku yaalla Gaalkacyo, bishii Febraayo ee horraantii sanadkan 2019.

Hadalsame Media