Ma ogtahay in Jaamacadda al-Azhar ay Shiicadu aasaaseen?

0

(Hadalsame) 22 Juun 2019 – Maanta oo kale 22Juun, berigii shintiriska miilaaddigu ahaa sannadkii 972, waxaa la furay Jaamac al-Azhar. Waa 1047 sano hortood oo ka dhigaysa jaamacadda dunida u gu fac weyn. Magaca Azhar waxaa loo ga soo qaatay gabadhii Rasuulka scw Faadimat al-Zahraa.

Dawladdii Shiicida Faadimiyada oo beryahaa soo baxday wax ay ka talinaysay meelo ka mid ah Waqooyiga Afrika iyo Jasiiradda Talyaaniga ee Sisiiliya.

Wiil yar oo Talyaani ah bay ka soo qaateen Sisiiliya oo korsadeen una bixiyeen Jawhar Asiqilli (Asiqilliya waa Af Carbeedka Siisiiliya). Markii uu koray wax uu noqday wiilhoog fardafuul iyo dagaalyahan ah.

Dabadeed, khaliifkii Faadimiyiinta oo la odhan jiray Almuciz Lidiinillaah, kaas oo loollan adag ku la jiray dawladdii Cabbaasida ee dunida ka talinaysay, ayaa Jawhar u diray in uu u qabto Masar oo ahayd gobol muhiim ah. Kiina si xarrago leh buu hawshaa u gu guulaystay oo Masar oo dhan Cabbaasidii ka safeeyay.

Intaa uun ma aha ee markii dambe xitaa gobolka Shaam oo dhanna wuu ka xoreeyay. Sidaas buu wiilkaa yar ee addoonka ahaa ku noqday bud’dhigaha dhabta ah ee dawladdii Faadimiyada Shiicada ee cimrigeedu dheeraaday ee talinaysay in ka badan 200 oo sano.

Intii aanu khaliif Muciz Masar u soo wareegin wax uu Jawhar Alsiqilli ku amray in uu dhiso magaalo adag oo aan cadawgu soo hawaysan karin oo la yidhaahdo Qaahira. Wax uu kale oo amray in uu ka dhex dhiso xarun weyn oo diinta la gu barto lana yidhaahdo Jaamac al-Azhar, halkaas oo mad’habta Shiicada la ga faafiyo.

Sannadkii 1171 waxaa Masar qabsaday Salaaxudiin al-Ayuubi oo cagta mariyay Fadimiyiintii oo dawladdoodu markaa gabow la silcaysay. Dabadeed wax uu tiirka u dhidbay dawladdii Ayuubiyada Sunniga oo iyaduna 80 sannadood ka wada talinaysay Masar, Shaam iyo Yaman.

Ninkaas baa haddaba Jaamac al-Azhar u beddelay magaca al-Azhar, kana safeeyay mad’habtii Shiicada una rogay Sunnigii uu isagu ahaa. Maanta weli waa sidii.

Waxaa Diyaariyey: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media