UMUUR UGUB AH: Gabar Soomaali ah oo sabab u noqoto inuu Sucuudiga ka dhaco xukun NAADIR ah!

0

(Riyaad) 22 Juun 2019 – Nin Sacuudi ah baa bartiisa bulshada gabadh Sacuudiyad ah u gu qoray weedha ah “Soomaaliyad yahay!”. Dabadeed waa ay dacwaysay.

Maxkamaddu ninkii wax ay ku xukuntay gabadhaa in uu ku la kacay takoor, waxaana la gu xukumay:

1) In uu gabadha magdhaw u siiyo 3000 oo Riyaal. 2) In aanu mar dambe afxumadaas u celin. 3) In uu is la bartiisa bulshada ku soo qoro hadal uu gabadhaa dembidhaaf ku wayddiisanayo, hadalkaasina uu bartaa ku qornaado muddo bil ah.

Warkan waxaa shalay daabacay wargeyska dalkaa u gu afdheer ee Cukaad. Waana markii kowaad taariikhda ee dalka Sacuudigu uu ka dhacay xukun la xidhiidha takoor.

Aniguna Soomaali ku kari waayay in ay Carabta ay hoos galgalanayso ka hoos kacdo.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media