WAR CUSUB: Isku day AFGEMBI oo ka dhacay caasimadda Maamulka Amxaarada + Sawirro

0

(Bahir Dar) 22 Juun 2019 – Isku day afgembi haatan dhicisoobey ayaa laga soo sheegayaa maamul-goboleedka Amxaarada, kaasoo lagu doonayay in lagu tuuro hoggaanka gobolkaasi.

Waxaa warkan xaqiijiyay Negussu Tilahun, Xoghayaha Warfaafinta ugu qaybsan Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ee Abiy Ahmed oo la hadlay warbaahinta qaranka EBC.

Wararka haatan ka imanaya caasimadda maamulkaasi ee Bahir Dar, waxaa xabado laga maqlayaa magaalada iyadoo lasoo sheegayo waxyeello nafeed.

EBC ayaa intaa raacinaysa in ciidamada Federaalka iyo kuwa maxalliga sida booliiska gobolku ay haatan sugeen amaanka Bahir Dar iyo agagaarkeeda, iyagoo gacanta ku dhigay rag ka mid ah dadkii abaabuley afgembigan.

Warar dheeraad ah lagama soo sheegin wacaalka madaxdii gobolka sida Madaxwaynihii maamulkaasi, oo ah nin aqoon yahan ah oo lagu magacaabo Dr Ambachew Mekonnen (PhD).

Dr Ambachew Mekonnen
Negussu Tilahun

Bahir Dar – By day

Hadalsame Media